Tuesday, November 6, 2018

Fardaha Soomaalida


Fardaha soomaalida haddii aynu eegna  ama aan in yar dul istaagno oo aan wax ka niraahno. 
Good ahaan gayiga soomaalida bari saamaadkii waa laga dhaqan jiray fardaha, habab kala gadisan sida dhaqasho ahaan, gaadiid ahaan, isgaarsii ahaan iyo hub ahaanba, waxa aan oran karaa fardahu waxa uu ahaa naflayda kuwooda  ladhaqdo kuwa ugu qaalisan.
Inta ugu badan gayiga soomaalida meelaha aad laaga dhaqan jiray waxa ka mid ah, Dhulwaynihii ay ka talin jireen Mujaahidiintii Daraawiishtu. dhulkaas oo ahaa kan uga bad ee aad ka looga dhaqan jiray fardaha.
Sababta aadka looga dhaqan jiray ee looga jeclaa xoolaha kale waxa ay ahayda, fardaha xillgaas joogay  waxa uu ahaa Gaadiida ugu fiican ee dagaalka, waxa uunna barigaas u jiray farduhu  halka ay maanta inoogu jirto Baabuurtu dagaalku.
Marka an intaa ka nimaad aan siifiiro ama aan hoose u sii galo, waxa aan aad  dareemaysaa in qiimo wayn farduhu kulahaa Bulshada soomaalida dhexdeeda. waxa ugu qaalisan ama xoolaha ugu wanaagsan ay dhaqan jiree  waxa ay ahaayeen fardaha. 
Qiimaha uu dhexdooda ku leeyahay waxa uu ka dhex gaarray heer la kala dhaco ama dagaal isku dhexmaro, qiima uu dhexdooda ku leeyahay haddii aan sii fiiro aad ayaa aan ugu dheeraanaynaa ka hadalkiisa wax inta oo qura lagu soo koobi karomaa, waa aan ogsoonahay in uu Alle {swt} Qur`aankiisa uga warramay fardaha, balse halkan waxa aan ku soo qaadanaynaa wixii Awooweyaasheenii  hore ay ka yiraahdeen fardaha qaybo ka mida sida  gabayo, geeraaro, maahmaaho iyo hadalo xigmadaysan.

Fardaha.

Faras= waa faraska lab
Geenyo= waa faraska dhedig
Dinix: dhasha yar
Darmaan= waa faras yar oo dinnixa ka xoogaa ka roon .
Sange= faras lab oo ay isu-gaadhay
Sunnaari=nooc ka mida noocyada fardaha ugu wanaagsan.
Danan= waa cida fardaha
Deeg: waxa lagu dhawaqaa kolka faraska la joojinayo.
Wegen= waxa la isku yidhaahdaa 100ka faras,halka boqolka geela ah laga yidhaa: kadin, adhigana tiro.
Qaaje=waa faraska cad
Qaatimayn= waa dur-durada fardaha.
Leedo-fuul= waa marka faraska la fuulo isaga oon wadan qalabkii fuulimaadka.
Magaan= faras gaabiya
Nuuxayn= orodka tax-taxaashka ah ee fardaha.
Ashkir= nooc ka mida midabka fardaha oo isugu jira dhawr midab.
Kacdin= waa amba qaadka orodka faraska ilaa inta uu ka daalayo.
Xamar= waa midabka xamariga ah ee fardaha.
Caynab= waa midabka madow ee fardaha.
Kadle= orod ka mida orodka faraska kaasoo ah mid aan xawli ahayn.
Kaytin= orod xawli ah.
Hardaf/koose: jaad ka mida orodka ugu gaaban ee fardaha.
Baroor= waa nooca ugu wanaagsan uguna orodka dheer fardaha, had iyo jeerna waxa uu diilin cad ku leeyahay sanqaroorka.
Fardo- fuul= waa ninka aqoonta fiican uleh fuulimaadka fardaha.
Shiil= midab fardeed oo ah madow ifaya.
Baqal= dhasha ay iska dhalaan fardaha iyo dameeruhu.
Sitaac: shay fardaha lagu qurxiyo.
Nadi: jeedal.
Bood: midab fardeed cawliin caddaan yari ku jiro.
Bullaale: midab ah dambari. 

Midabbada Fardaha

ASHKIR : waa Farsaka cas oo aan midab kale ku dhexjirin , timihiisuna cas yihiin
XAMAR : waa faraska cas balse ay timihiisu madow yihiin waana laba nooc (mid bunni xiga iyo mid casaan xiga)
BULLAALE : waa faraska cad laakiin caddaankiisa uu ku jiro dambari , timihiisa iyo minjihiisuna madow yihiin
QAAJE : waa faras caddaan khaalisa ah oo aan midabbo kale ku dhexjirin
CAYNAB : waa faras madow dhuxuli ah oo aanuu midabkale ku dhexjirin
BOOD : waa faraska cad oo caddaankiisu cawlaan xigo
BAROOR : waa faras aan hal midab lahayn ee midabbo badanoo isku jira leh (afar midable)
Noocyada Fardaha
Fardaha kooda Lab waa : FARAS ama SENGE
Dheddigana : GEENYO
Ubadkana : DARMAAN lab & dheddigba
Dhasha fardaha aan ababin : BOGCAD
Faraska la dhufaanay : SENGE
Faraska aadka u dheereeya : BAXDOW 
Faraska orodka yar : MAGAAN 

Orodka Fardaha

Orodka aan dheerayn : GAALIB
Orodka afarta addin ah : KADLE
Markay durdurinayaan waxaa la dhahaa : QAATIMEYN
Markay iska taxtaxaashayaan waxaa la dhahaa : NUUXEYN
Orodka fardaha xilliga barwaaqada : GARMAAME
Orodka ugu gaaban ee farduhu sameeyaan : KOOSE
Bootinta dheer ee fardaha : WANKALAALI
Waxa kaloo orodka fardaha kamid ah : HARDAF JEEFAG.

Maahmaahaha Fardaha 


-           Fardo laysu hayo maxa la isugu faanin. 
-          Qabiil aan faras lahayn iyo quruun aan geel lahayn, midna qiimo maleh.
-          Faras waa ku joog ama ka joog.
-           Fuulimaad waa faro ku hayn.
-          Faras aanad lahayn fuulimaadkiisa futo qarrar baa laga qaadaa.
-          Fardo jeedal looma qariyo.
-          Faraska haddii aad heensaha saarto, male kasoo rogaa jira.
-          Faraska waxa jeedalka loogu dhuftaa orodka ha badiyo.







Ammaan Fardood [Sayid Maxamed Cabdulle Xasan]


Waxuu yidhi Sayidku:-

    Col haddii la wacaayo
     Lugi waa wantacoowe
     Walhadow guradiisa
     Walluu ii goglayaaye
     Ma naagtay wacanbaa?

     Sibraar caanaha weeto
     Wabax looga dhergaayo
     Koorihii weshirraa iyo
     Wareersiyo muquuskiyo
     Maqaanii widhwidhaayiyo
     Sitaacuu walcinaayiyo
     Wiyilkii shaqlanaa iyo
     Waa feerow nadigii iyo
     Warmahaygakan dheer iyo
     Waaxidkaygan hadlaaya
     Intaasuu wadwadaayoo
     Waraarkuu ku sitaayoo
     Arba waalan sidiisa
     Wagwag buu u socdaayoo
     Wahsi loogama yaabee
     Wal-cafaari miyaa?

     Haddii waaga la fuulo
     Wanahaarka boqoole
     Wahdi weeye qabowe
     Walwaal laydha miyaa?

     Haddaan guuro waddiidno
     Walliilkii dhaxantii iyo
     Wahabkuu celiyaaye
     Ma dhar lagu wadhaa?

     Wiido meeley ka fooftay
     Haddii weerar la tooxo
     Wegenbuu ka baxaaye
     Ma wajaaf la ridaa?

     Wax hadduu qabsanaayo
     Jeenyuhuu wadhwadhaaye
     Wax ku haabadka qoobka
     Ma aar soo wahwahlaa?

     Meel walaabiyo qaad iyo
     Rasaas laysku wirfaayuu
     Ka waldhaban hayaaye
     Ma wakiila Allaa?

     Haddaan weecsho rogaalka
     Wiliftuu rogmanaayo
     Wadhfiskuu anbanaayo
     Ma wirriile didaa?

     Nin weyn buu waddaraayoo
     Geesibuu waf jaraayoo
     Waallee yuu dhacsadaaye
     Wed miyaa kululaa?

     Geela weeta irmaan iyo
     Weristii rimanaydiyo
     Wadaal buu eryadaaye
     Wabar xoogle miyaa?

     Meel waaceen laga waayoo
     Dadkii gaajo la wiiqmuu
     Webxiyaaa dhergiyaaye
     Ma wajiina da’aa?

     Afartii warhayaad iyo
     Waqiil laysku gargaariyo
     Waxtarbaan ku qabaaye
     Weli kheyr leh miyaa?

     Walax duunyo ka roonoo
     Waalid layga abuuriyo
     Walaal baan ka dhigtaaye
     Ma wasiir gacalbaa?

     Waayadaan arki waayoo
     Walbahaarka adduun iyo
     Welwel baan u dhintaaye
     Wadnahayga miyaa?

     Diracahaa wacdigooda
     Wanan baan u qalaayoo
     Walanwaan u jaraaye
     Ma wadaad martiyaa?

     Waldhacooyinka hoosiyo
     Waraaqiisa sudeenkiyo
     Wejigaan u subkaaye
     Ma wiilaan dhalaybaa?
     Weligay kama maarmoo?
     Wariirtii aqalkaygiyo
     Waageerkuu ku jiraaye
     Ma wasiir gacalbaa?

     Afartuu ku walgaaftiyo
     Waqaafaha shulluhiisiyo
     Waaxyihiisa garaanta
     Ma sheekh waysa qabaa?

     Walwaaleynta raqlaynta
     Laafyuhuu walqinaayo
     Is waraaari ruxiisu
     Ma wallays kibraybaa?

     Afku waa waradh jeexanoo
     Biro laysku wakaabaa
     Walam loogu ridaayee
     Walaa-xawli miyaa?

     Arraguu wax ku dhowro
     Wiriqdiisa bu’diisa
     Indhuhuu ka wacsiiyo
     Ma hillaac walaclaa?

     Shinbiraha widhiftoodiyo
     Walax meel ka dhaqaaqday
     Widhwidh buu ku arkaaye
     Ma damuumis walaa?

     Waawarayda dhawaaqa
     Haddii uu wax dareemo
     Dhagihiisa waryoonsan
     War dhegaysi miyaa?

     Meel aan wuuw lala gaadhin
     Haddii wiirsi ka yeedho
     Waqtibuu maqlayaaye
     Ma taarbaa waddanaa?

     Wafka uu lalminaayo
     Dabaduu walfinaayo
     Wisil baarka ku yaal
     Waras noocii miyaa?

     Qoortu waa xusul waara
     Walcan weeye fankiisu
     Dushu waaleed bannaaniyo
     Welga xaadhan miyaa?

     Haddaan ruugag wadhaansho
     Wadaaga gilgilaayo
     Wayruxuu cartamaayo
     Wiyil qooqan miyaa?

     Wanqarkuu hardafaayo
     Watigluu u socdaaye
     Waylo raadis galbeed iyo
     Maa waayeel culusbaa?

     Hadduu soo wafwafleeyo
     Wabwabtuu gurdamaayo
     Onkad waadi ka yeedhiyo
     Cir wanaanyi miyaa?

     Haddii aan wegdihiisa
     Waydaar xoog leh ku dhaado
     Waantis buu u socdaaye
     Naafo waarrin miyaa?

     Waddo jiidka socdaalka
     Dib ii weyricin maayee
     Waylay waaltamayaayee
     Wan kaalali miyaa?

     Hadduu meel ku warmaayo
     Webiyaasha tallaabo
     Waxyar kaama maqnaadee
     Waa kaneey ma jinbaa?

     Wijiwaaji qalaad iyo
     Waaleed Eebbe balaadhshuu
     Soo waraari ciyaaye
     Ma dabayl wahadbaa?

     Hadduu weerar ku raago
     Walqas dhoobo madow iyo
     Watabiirka ma qaatee
     Warac caaggan miyaa?

     Wiyeerkuu ka cabbaayo
     Waabka uu hadhsanaayo
     Shirku waw waddamaayee
     Waali duuban miyaa?

     Wanaajoo iska dhaafaye
     Ammaantiisu wujuubiyo
     Watirkii ratibnaa iyo
     Wardigayga miyaa?




By: Cabdiraxmaan Africa




Sunday, November 4, 2018

Han iyo HImilo



Haddii aan nahay Bini aadam, waxa aan leenahay badankeenu  aragti ku aad dan hadafkeena iyo meel aan isleenahay gaar, haba ahaato Aduunyo ama Aakhiro.
Balse himilooyin waxa ay u qaybsamaa ama waxa uu Bini aadamku sameeyo labo. shaqo aduunyo iyo mid aakhiro. labadaas waxa soo raaca ama u dhexeeyo laqabtaa, lagu hamiyaa, laguna dadaalaa gaaristooda majirto. 
Haddii aad aad u tafo xadaydato in aad hilom ama han aad leedahay aad gaarto, waxa ugu horeeya waxa ay noqonaysaa in aad latimaado, keeni-aday iyo in aad ahaato qof gaari kara waxa uu doonayo ama gaaristuusu maankiiisa ku jiro.
Haddii uu dalabkaagu ugu wayn ahaado in aad u shaqaysato Aakhro, waa ay haboontahay balse mar walayba waa in aanad labadan daarood shaqadoo aadan ka falaxalan, waa in aad hormarisaa tan aakhro. haddii camalkaaga akhro uu noqdo mid wanaagsan aduunyadaaduna waa ay wanaagsanaanaysaa. muhiimada ugu wayna ee aan halkan ama igu ka liifay waxa ay tahay in aad Hiigsiyeelato. 
Hiigsaigaas waxa uu noqonkaraa mid aad ku guulaysto ama aad ku khasaarto, balse faa`iidada aad hiigsigaaga aad ka gaari karto waxa ay tahay hadba adi sida aad u maamushao naftaada doonisteeda, waxaana haboon in aad ahaato shaqsi aan laleexin karin, ad kaysine u leh in uu wajo xaladkasta oo ka hortimaada.

Taariikh Kooban

Magacaygu waa Cabdiraxmaan Jaamac Maxamud. waxa aan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Buuhoodle. waxa aan wax barshadii koowaad aan ka bilaabay isla magaalada aan ku dhashay goobtii ugu horaysay ee aan waxbarasho u tago waxa ay ahayd dugsiga quraanka. dugsigaas oo aan ku sugnaa ama dhiganayey illaa intii aan qur`aanka ka dhamaynayey. markii aan qur`aanka dhameeyey ayaa ay bilaabeen in waalidiintay ay iisii wadaan waxbarashadayda, waxa ayna igeeyeen dugsiga hoose, halkaas oo aan dhiganayey, ilaa intii aan ka dhamaynayey dugsiga hoose. markii aan dhameeyey dugsiga hoose ayaa aan bilaabay in aan waxbarashadayda siiwato, waayo maanta markii aan halkaas sooo gaaray waxa aan noqday shakhsi leh han iyo himilo, ayna u dhadhantay qiima waxbarshada, waalidiintu xilligii ay gacanta isoo qaban jireen waan ka yara koray waxa aan noqday shakhsi fikiraya, waxa aanna go`aan ku gaaray in aan sii wato waxabarshadayda, waxa aan u qalab qaatay in aan dugsiga dhexe bilaabo, waxa halkaas iiga bilaabay safarkii ahaa dhigasha dugsiga dhexe, markii aan mudo afarsano ah dhiganayey, oo aan ku jiro sanadkii ugu danbeeyey ayaa aan udiyaar garownay in aan galo imtixaankii ugu danbeeyey ee aan kaga gudbaynay dugsiga dhexe uguna gudbaynay dugsiga sare, goortii aan u fariisanay imtixaankii kama danbaysta ahaawaxa aan bilaabnay in aan ogaano in aan baasnay iyo in aan dhacnay oo aan fasalka yaga aan sii ahaanayno. balse taasi ah dhictaan marna ani kuma soo dhicin niyadayda, hubin uun ayey iga ahayd. mudo bil ah ka dib waxa aan ogaanay in aan baasnay oo aan gudubnay. halkaas ayaa aan ugu gudubnay dugsiga sare waxa aan hadda dhoigtaa dugsiga sare waxa aan ahay fasalka labaad isha allaah waxa aan rajaynayaa in aan noqdo ku dhamaystirta inta hamiyadayda in alle iga saacido, waa haddii nafto intaas igu sii jirto.


By: Cabdiraxmaan Africa

Saturday, November 3, 2018


Suaal



Adigoo gaari 2 kursi leh wata hadana ay tahay xilli habeen ah dabeyl daran dhacayso ayaad wadada ku arkaysa.
1-saaxiibkaa hada ka hor ku bad baadiyay.
2-qof waayeel ah oo dhiman raba.
3-gabar aad waligaa raadinaysay oo aad rabtay inaad guursatid.
Hadii aad sxbkaa qaadid abaalkiisa ayaad u gudaysaa laakin waxaa dhimanayo qofka waayeelka ah, gabadha aad guursan rabtidna mar kale ma arkaysid, hal kursina wuu ka banaan yahays.
200 oo qof ayaa la waydiiyay suaashaas hal qof bes ayaa ka jawaabay
Wuxuuna yiri saaxibkayga ayaan furaha u dhiibaya waxaana leeyahay qofka waayeelka ah isbitaalka sii geey, anigana waxaan lasii istaagayaa qoftii aan raadinyay waxaan sii sugeyna baska ilaa uu ka yimaado intaasna waan lasii sheekaysanayaa
Marar badan waxaa wanaagsan sida dadka caadiga ah ay uga jawaaban suaalaha inaadan uga jawaabin oo aad noqotid qof fikira oo hal abuur leh.

By: Cabdiraxmaan Africa

Fardaha Soomaalida

Fardaha soomaalida haddii aynu eegna   ama aan in yar dul istaagno oo aan wax ka niraahno.  Good ahaan gayiga soomaalida bari saamaadk...