Fardaha soomaalida haddii aynu
eegna ama aan in yar dul istaagno oo aan
wax ka niraahno.
Good ahaan gayiga soomaalida bari
saamaadkii waa laga dhaqan jiray fardaha, habab kala gadisan sida dhaqasho
ahaan, gaadiid ahaan, isgaarsii ahaan iyo hub ahaanba, waxa aan oran karaa
fardahu waxa uu ahaa naflayda kuwooda
ladhaqdo kuwa ugu qaalisan.
Inta ugu badan gayiga soomaalida
meelaha aad laaga dhaqan jiray waxa ka mid ah, Dhulwaynihii ay ka talin jireen
Mujaahidiintii Daraawiishtu. dhulkaas oo ahaa kan uga bad ee aad ka looga dhaqan
jiray fardaha.
Sababta aadka looga dhaqan jiray
ee looga jeclaa xoolaha kale waxa ay ahayda, fardaha xillgaas joogay waxa uu ahaa Gaadiida ugu fiican ee dagaalka,
waxa uunna barigaas u jiray farduhu halka ay maanta inoogu jirto Baabuurtu
dagaalku.
Marka an intaa ka nimaad aan
siifiiro ama aan hoose u sii galo, waxa aan aad dareemaysaa in qiimo wayn
farduhu kulahaa Bulshada soomaalida dhexdeeda. waxa ugu qaalisan ama xoolaha
ugu wanaagsan ay dhaqan jiree waxa ay
ahaayeen fardaha.
Qiimaha uu dhexdooda ku leeyahay
waxa uu ka dhex gaarray heer la kala dhaco ama dagaal isku dhexmaro, qiima uu
dhexdooda ku leeyahay haddii aan sii fiiro aad ayaa aan ugu dheeraanaynaa ka
hadalkiisa wax inta oo qura lagu soo koobi karomaa, waa aan ogsoonahay in uu
Alle {swt} Qur`aankiisa uga warramay fardaha, balse halkan waxa aan ku soo qaadanaynaa
wixii Awooweyaasheenii hore ay ka
yiraahdeen fardaha qaybo ka mida sida gabayo, geeraaro, maahmaaho iyo hadalo
xigmadaysan.
Fardaha.
Faras= waa
faraska lab
Geenyo= waa faraska dhedig
Dinix: dhasha yar
Darmaan= waa faras yar oo dinnixa ka xoogaa ka roon .
Sange= faras lab oo ay isu-gaadhay
Sunnaari=nooc ka mida noocyada fardaha ugu wanaagsan.
Danan= waa cida fardaha
Deeg: waxa lagu dhawaqaa kolka faraska la joojinayo.
Wegen= waxa la isku yidhaahdaa 100ka faras,halka boqolka geela ah laga yidhaa: kadin, adhigana tiro.
Qaaje=waa faraska cad
Qaatimayn= waa dur-durada fardaha.
Leedo-fuul= waa marka faraska la fuulo isaga oon wadan qalabkii fuulimaadka.
Magaan= faras gaabiya
Nuuxayn= orodka tax-taxaashka ah ee fardaha.
Ashkir= nooc ka mida midabka fardaha oo isugu jira dhawr midab.
Kacdin= waa amba qaadka orodka faraska ilaa inta uu ka daalayo.
Xamar= waa midabka xamariga ah ee fardaha.
Caynab= waa midabka madow ee fardaha.
Kadle= orod ka mida orodka faraska kaasoo ah mid aan xawli ahayn.
Kaytin= orod xawli ah.
Hardaf/koose: jaad ka mida orodka ugu gaaban ee fardaha.
Baroor= waa nooca ugu wanaagsan uguna orodka dheer fardaha, had iyo jeerna waxa uu diilin cad ku leeyahay sanqaroorka.
Fardo- fuul= waa ninka aqoonta fiican uleh fuulimaadka fardaha.
Shiil= midab fardeed oo ah madow ifaya.
Baqal= dhasha ay iska dhalaan fardaha iyo dameeruhu.
Sitaac: shay fardaha lagu qurxiyo.
Nadi: jeedal.
Bood: midab fardeed cawliin caddaan yari ku jiro.
Bullaale: midab ah dambari.

Midabbada Fardaha
ASHKIR : waa Farsaka cas oo aan midab
kale ku dhexjirin , timihiisuna cas yihiin
XAMAR : waa faraska cas balse ay timihiisu madow yihiin waana laba nooc (mid bunni xiga iyo mid casaan xiga)
BULLAALE : waa faraska cad laakiin caddaankiisa uu ku jiro dambari , timihiisa iyo minjihiisuna madow yihiin
QAAJE : waa faras caddaan khaalisa ah oo aan midabbo kale ku dhexjirin
CAYNAB : waa faras madow dhuxuli ah oo aanuu midabkale ku dhexjirin
BOOD : waa faraska cad oo caddaankiisu cawlaan xigo
BAROOR : waa faras aan hal midab lahayn ee midabbo badanoo isku jira leh (afar midable)

Noocyada Fardaha
Fardaha kooda Lab waa : FARAS ama
SENGE
Dheddigana : GEENYO
Ubadkana : DARMAAN lab & dheddigba
Dhasha fardaha aan ababin : BOGCAD
Faraska la dhufaanay : SENGE
Faraska aadka u dheereeya : BAXDOW
Faraska orodka yar : MAGAAN
Dheddigana : GEENYO
Ubadkana : DARMAAN lab & dheddigba
Dhasha fardaha aan ababin : BOGCAD
Faraska la dhufaanay : SENGE
Faraska aadka u dheereeya : BAXDOW
Faraska orodka yar : MAGAAN
Orodka Fardaha
Orodka aan
dheerayn : GAALIB
Orodka afarta addin ah : KADLE
Markay durdurinayaan waxaa la dhahaa : QAATIMEYN
Markay iska taxtaxaashayaan waxaa la dhahaa : NUUXEYN
Orodka fardaha xilliga barwaaqada : GARMAAME
Orodka ugu gaaban ee farduhu sameeyaan : KOOSE
Bootinta dheer ee fardaha : WANKALAALI
Waxa kaloo orodka fardaha kamid ah : HARDAF , JEEFAG.

Maahmaahaha
Fardaha
-
Fardo laysu
hayo maxa la isugu faanin.
-
Qabiil aan faras lahayn iyo quruun aan geel lahayn,
midna qiimo maleh.
-
Faras waa ku joog ama ka joog.
-
Fuulimaad
waa faro ku hayn.
-
Faras aanad lahayn fuulimaadkiisa futo qarrar baa
laga qaadaa.
-
Fardo jeedal looma qariyo.
-
Faraska haddii aad heensaha saarto, male kasoo
rogaa jira.
-
Faraska waxa jeedalka loogu dhuftaa
orodka ha badiyo.
Ammaan Fardood
[Sayid Maxamed Cabdulle Xasan]
Waxuu yidhi Sayidku:-
Col
haddii la wacaayo
Lugi waa
wantacoowe
Walhadow
guradiisa
Walluu ii
goglayaaye
Ma naagtay
wacanbaa?
Sibraar
caanaha weeto
Wabax looga
dhergaayo
Koorihii
weshirraa iyo
Wareersiyo
muquuskiyo
Maqaanii
widhwidhaayiyo
Sitaacuu
walcinaayiyo
Wiyilkii
shaqlanaa iyo
Waa feerow
nadigii iyo
Warmahaygakan
dheer iyo
Waaxidkaygan
hadlaaya
Intaasuu
wadwadaayoo
Waraarkuu ku
sitaayoo
Arba waalan
sidiisa
Wagwag buu u
socdaayoo
Wahsi loogama
yaabee
Wal-cafaari
miyaa?
Haddii waaga
la fuulo
Wanahaarka
boqoole
Wahdi weeye
qabowe
Walwaal laydha
miyaa?
Haddaan guuro
waddiidno
Walliilkii
dhaxantii iyo
Wahabkuu
celiyaaye
Ma dhar lagu
wadhaa?
Wiido meeley ka fooftay
Wiido meeley ka fooftay
Haddii weerar
la tooxo
Wegenbuu ka
baxaaye
Ma wajaaf la
ridaa?
Wax hadduu
qabsanaayo
Jeenyuhuu
wadhwadhaaye
Wax ku
haabadka qoobka
Ma aar soo
wahwahlaa?
Meel walaabiyo
qaad iyo
Rasaas laysku
wirfaayuu
Ka waldhaban
hayaaye
Ma wakiila
Allaa?
Haddaan
weecsho rogaalka
Wiliftuu
rogmanaayo
Wadhfiskuu
anbanaayo
Ma wirriile
didaa?
Nin weyn buu waddaraayoo
Nin weyn buu waddaraayoo
Geesibuu waf
jaraayoo
Waallee yuu
dhacsadaaye
Wed miyaa
kululaa?
Geela weeta
irmaan iyo
Weristii
rimanaydiyo
Wadaal buu
eryadaaye
Wabar xoogle
miyaa?
Meel waaceen
laga waayoo
Dadkii gaajo
la wiiqmuu
Webxiyaaa
dhergiyaaye
Ma wajiina
da’aa?
Afartii
warhayaad iyo
Waqiil laysku
gargaariyo
Waxtarbaan ku
qabaaye
Weli kheyr leh
miyaa?
Walax duunyo
ka roonoo
Waalid layga
abuuriyo
Walaal baan ka
dhigtaaye
Ma wasiir
gacalbaa?
Waayadaan arki
waayoo
Walbahaarka
adduun iyo
Welwel baan u
dhintaaye
Wadnahayga
miyaa?
Diracahaa
wacdigooda
Wanan baan u
qalaayoo
Walanwaan u
jaraaye
Ma wadaad
martiyaa?
Waldhacooyinka
hoosiyo
Waraaqiisa
sudeenkiyo
Wejigaan u
subkaaye
Ma wiilaan
dhalaybaa?
Weligay kama
maarmoo?
Wariirtii
aqalkaygiyo
Waageerkuu ku
jiraaye
Ma wasiir
gacalbaa?
Afartuu ku
walgaaftiyo
Waqaafaha
shulluhiisiyo
Waaxyihiisa
garaanta
Ma sheekh
waysa qabaa?
Walwaaleynta
raqlaynta
Laafyuhuu
walqinaayo
Is waraaari
ruxiisu
Ma wallays
kibraybaa?
Afku waa
waradh jeexanoo
Biro laysku
wakaabaa
Walam loogu
ridaayee
Walaa-xawli
miyaa?
Arraguu wax ku
dhowro
Wiriqdiisa
bu’diisa
Indhuhuu ka
wacsiiyo
Ma hillaac
walaclaa?
Shinbiraha
widhiftoodiyo
Walax meel ka
dhaqaaqday
Widhwidh buu
ku arkaaye
Ma damuumis
walaa?
Waawarayda
dhawaaqa
Haddii uu wax
dareemo
Dhagihiisa
waryoonsan
War dhegaysi
miyaa?
Meel aan wuuw
lala gaadhin
Haddii wiirsi
ka yeedho
Waqtibuu
maqlayaaye
Ma taarbaa
waddanaa?
Wafka uu
lalminaayo
Dabaduu
walfinaayo
Wisil baarka
ku yaal
Waras noocii
miyaa?
Qoortu waa
xusul waara
Walcan weeye
fankiisu
Dushu waaleed
bannaaniyo
Welga xaadhan
miyaa?
Haddaan ruugag
wadhaansho
Wadaaga
gilgilaayo
Wayruxuu
cartamaayo
Wiyil qooqan
miyaa?
Wanqarkuu
hardafaayo
Watigluu u
socdaaye
Waylo raadis
galbeed iyo
Maa waayeel
culusbaa?
Hadduu soo
wafwafleeyo
Wabwabtuu
gurdamaayo
Onkad waadi ka
yeedhiyo
Cir wanaanyi
miyaa?
Haddii aan
wegdihiisa
Waydaar xoog
leh ku dhaado
Waantis buu u
socdaaye
Naafo waarrin
miyaa?
Waddo jiidka
socdaalka
Dib ii
weyricin maayee
Waylay
waaltamayaayee
Wan kaalali
miyaa?
Hadduu meel ku
warmaayo
Webiyaasha
tallaabo
Waxyar kaama
maqnaadee
Waa kaneey ma
jinbaa?
Wijiwaaji
qalaad iyo
Waaleed Eebbe
balaadhshuu
Soo waraari
ciyaaye
Ma dabayl
wahadbaa?
Hadduu weerar
ku raago
Walqas dhoobo
madow iyo
Watabiirka ma
qaatee
Warac caaggan
miyaa?
Wiyeerkuu ka
cabbaayo
Waabka uu
hadhsanaayo
Shirku waw
waddamaayee
Waali duuban
miyaa?
Wanaajoo iska
dhaafaye
Ammaantiisu
wujuubiyo
Watirkii
ratibnaa iyo
Wardigayga
miyaa?
By: Cabdiraxmaan Africa
No comments:
Post a Comment